Dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo xiisado dagaal ayaa laga soo sheegayaa degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere, halkaasoo ah deegaanada u dambeeyay ee ay Gobolka Gedo uga sugan yihiin Al-Shabaab, iyadoo Ciidamada huwanta ay kulaalayaan demooyinkaas.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada dowladda, kuwa Ahlusuna iyo Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa ku socda dhanka Baardheere, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay deegaano hoos taga ay dagaalo culus ka dhaceen.
Warar horu dhac oo la helayo ayaa sheegaya in Ciidamada dheeraad ah oo ka yimid dhanka Garbahaarey ay soo gaareen deegaanka Fafax-dhuun, iyagoo xoojin u ah Ciidamo kale oo maalmihii u dambeeyay ku dhowaanayay Baardheere.
Sidoo kale Ciidamo kale oo la sheegay inay ka mid yihiin Itoobiyaan ayaa dhanka Buurdhuubo ku baxay, kuwaas oo qorsheynaya inay qabtaan degmadaas.
Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay inay doonayaan in maalmaha soo aadan inay la wareegaan degmooyinkaas.
Dhanka Al-Shabaab ayaa waxay wadaan dhaq dhaqaaqyo ballaaran si ay isaga difaacaan duulaanka lagu soo yahay.
Dadka ku nool qeybo ka mid ah degmooyinka xiisadaha ka taagan yihiin ayaa bilaabay inay ka barakacaan, halka qaarkood cabsi badan ay soo wajahday.

naga naaya cayaarta